Baadhitaanada

Baaritaanka waa hab muhiim ah oo lagaga hortagayo faafinta COVID-19.

Scroll table right to see more

Noocyada shaybaadhka

Baaritaanka mulukuyular/PCR Antigen degdeg ah
  • Qaabka ugu saxsan ee lagu ogaan karo fayraska COVID-19.
  • Baaritaanka PCR waa hal nooc oo ka mid ah baaritaanka mulukuyular.
  • Kaliya hal baaritaan mulukyular ah ayaa loo baahan yahay - baaritaanno badan muhiim ma aha.
  • Baaritaanka ayaa caadiyan waxaa lagu sameeyaa goob caafimaad ama isbitaal.
  • Natiijadu waxay qaadan kartaa dhowr maalmood waayo baaritaannada waa in shaybaarka loo diraa.
  • Waxbadan ka baro baadhitaanada PCR.
  • Natiijooyinka baaritaannada waxaa lagu heli karaa 10 - 30 daqiiqo gudahood.
  • Natiijooyinka baaritaanka sheegaysa inuu qofka qabo (positive) badanaa waa sax waana la isku halayn karaa.
  • Take more than one antigen test if the first test result is negative.
  • Waxa laga yaabaa in aanay sidaas sax u ahayn, gaar ahaan dadka aan lahayn astaamaha.
  • Waxbadan ka baro baadhitaanada antigenka degdega ah.

Ikhtiyaarrada baaridda

Degganeyaasha Minnesota waxay haystaan dhawr ikhtiyaar oo shaybaadh COVID-19 ah, oo ay ku jiraan is-baaritaan, goobaha tijaabada bulshada, iyo rugaha caafimaadka qaarkood, isbitaallada iyo farmashiyeyaasha.

Xirmooyinka is-baaridda

Is-baaridda degdeg ah ayaa lagu samayn karaa meel kasta. Waa muhiim inaad raacdo tilmaamaha oo aad isticmaasho baaritaanada ay ansixisay Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka (FDA). FDA waxay kordhisay taariikhaha dhicitaanka xirmooyinka Baaritaanka Degdegga ah oo badan.

Dowladda Federaalka

  • September 25, 2023 - Qoysaska degan Mareykanka waxay dalban karaan afar baaritaan oo COVID-19 ah oo bilaash ah.
  • Baaritaanada waa la cusboonaysiiyay si loo ogaado jiritaanka noocyadii ugu dambeeyay.
  • Baaritaanadu waxay leeyihiin cimri la dheereeyay iyo taariikho dhicitaan.

Order free test kits

Gobolka Minnesota

  • September 25, 2023 - Afar baaritaan oo degdeg ah oo guriga dhexdiisa ah oo bilaash ah ayaa diyaar u ah dhammaan qoysaska Minnesota, inta agabku sii jirayo.
  • Need help placing an order? Ka wac khadka MDH COVID-19 ee dadweynaha 1-833-431-2053 Waxaa la heli karaa maalmaha Isniin - Jimco: 9 subaxnimo ilaa 7 galabnimo, Sabti: 10 subaxnimo ilaa 6 galabnimo.
  • Language assistance is available.

Order free test kits

Scroll table right to see more

Goobaha baaritaanka ee COVID-19

Location Details

Minneapolis - Phyllis Wheatley Community Center

1301 North 10th Ave
Minneapolis 55411

  • Baadhitaanka candhuufta.
  • Monday: 2 p.m. -  5 p.m., Tuesday, Thursday: 3 p.m. – 7 p.m.
  • Iska imaanshiyaha waa la soo dhawaynayaa.
  • Jadwalka tallaalka oo buuxa.
  • Kala xiriir Khadka Tooska ah ee Bulshada Madow ee Minnesota COVID-19 612-254-1145.

Hel dhammaan goobaha baaritaanka ee jaaliyadda