Cusbooneysii Caawinaadaada Caafimaad (Medical Assistance)

Contact us

U diyaargarow inaad cusbooneysiiso

Intii lagu jiray safmarka COVID-19 dadku uma baahnayn inay cusboonaysiiyaan Caawimaadooda Caafimaadka (Medical Assistance “MA”) ama MinnesotaCare. Hadda oo safmarku dhammaaday, dadka intooda badan waxaa looga baahan doonaa inay si joogto ah u cusboonaysiiyaan caymiskooda.

Cusbooneysiintu waxay dhacdaa bisha sannad-guurada ee codsigii asalka ahaa ee isdiiwaangelinta caymiska. Kuwa u baahan inay cusboonaysiiyaan waxay heli doonaan xidhmooyinkooda cusboonaysiinta 60 maalmood kahor inta aan la gaadhin kama-dambaysta.

Hubi inaad diyaar u tahay inaad cusboonaysiiso Caawinaadaada Caafimaad (Medical Assistance) waqtigii loogu talogalay iskana ilaali inaad lumiso caymiskaaga caafimaadka adigoo booqanaya Websaydka Waaxda Adeegyada Aadanaha si aad u:

Wargeli isbeddellada ku yimaada cinwaankaaga iyo lambarka taleefankaaga

Ha lagaa caawiyo cusboonaysiintaada

Soo gudbi ama dhig foomamka cusboonaysiinta

Ogow haddii aad u qalanto dib-u-cusboonaysiinta tooska ah

Codso Caawinaad Caafimaad (Medical Assistance)