Caafimaadka iyo saxada

Contact us

Beginning of tab section with 4 tabs. Left and right arrow keys will navigate between tab navigation links.

Adeegyada caafimaadka

Kuwaan iyo adeegyada kale waxay ku yaalaan:
Xarunta Caafimaadka Dadweynaha
555 Cedar St.,
Saint Paul, MN 55101

Tallaalada

Cirbadaha qarashka hooseeyo ee loogu tallogalay kuwa aan caymisneyn ama kuwa caymiskoodu aysan daboolin cirbidaha.

Adeegyada Rabshadda Galmada SOS

Adeegyada asturan ee loogu tallogalay dhibbanayaasha rabshadda galmada.

Xarunta 555

Daryeelka caafimaadka galmada iyo baaritaanka STI/HIV, kahortagga iyo daaweynta, baaritaanka kansarka naasaha iyo ilmo galeenka, isdhaafsiga saliingada iyo adeegyada daryeelida dhaawaca.

Caafimaadka qoyska

Baaritaanada Canugga iyo Dhallaanka

Ku caawisaa qoysaska ka diiwaangashan barnaamijyada daryeelka caafimaadka ee Minnesota waxay heleen xarumaha caafimaadka, balamaha jadwalka, diyaari gaadiidka, qorsheynta caymiska caafimaadka iyo helitaanka faa’idooyinka.

Booqashooyinka Guriga Qoyska

Booqashooyinka guriga oo kaaliyayaasha Caafimaadka Dadweynaha ee dumarka uurka, waaladiinta dhallaanka iyo qoysaska leh carruurta oo illaa da’da 3.

Dumarka, Ilmaha iyo Carruurta (WIC)

Waxay bixisaa la talinta nafaqada, taageerada naasnuujinta, cuntooyinka nafaqada leh, iyo gudbinada ee barnaamijyada bulshada oo naagaha uurka iyo naasnuujinta, dumarka oo dhawaan dhalay, ilmaha iyo carruurta oo illaa dhalashadooda shannaad.

Kooxyada Taageerada Waalidnimada

Club Mom iyo Club Dad

Club Mom waa isu-keenista caafimaadka bulshada oo dumarka Afrikaanka-Ameerikaanka ah, da’aha 19 iyo illaa cidda uurka leh iyo/ama carruurta waalidka loo yahay, 0-5 sanno jiro.

Club Dad waa usu imaanshaha bil-laha ee ragga Ameerikaanka-Afrikaanka oo aabayaasha ah.

Baby Café

Adeegga imaanshaha bilaashka ah, oo bixinayo taageerada naasnuujinta/quudinta xabadka. Kaalay oo la wadaag tallooyin oo dhaxgal qoysaska kale ee suurka iyo naasnuujinayo/xabad nuujinayo.

Guryo Caafimaadsan

Barnaamijka degmadan waxay kugu caawin karaan ka dhigidda gurigaaga jawi badbaado ah ee adiga iyo qoyskaaga. Deeqaha waxaa loo helayaa ka saarida qataraha mirirka iyo ka dhigida guriga badbaado. Taqasuska caafimaadka deegaanka way caawin karaan qoysaska — iyo bixiyayaasha daryeelka maalinta — ka fiiri halisaha mirika oo aasaas jawiyada badbaadada mirirka.

Taageerada sidoo kale waxaa loo heli karaa qoysaska leh carruurta qabta neefta. Kaalisada caafimaadka dadweynaha iyo taqasuska caafimaadka deegaanka waxay sameyn karaan booqashada guriga si ay uga caawiso aqoonsashada, maareynta iyo yareynta kiciyayaasha neefta ee guriga dhexdiisa. Sanduuqyada baaritaanka oo kiimikada, urta gaaska oo ka mid ah sababaha u hoggaaminayo kansarka sambabka, sidoo kale waxaa la heli karaa $2.

Back to tab navigation. End of tab content.