Jidadka iyo gaadiidka

Contact us

Shaqooyinka Dadweynaha Degmada Ramsey ayaa masuul ka ah dayactirka iyo hormarinta ku dhawaad wadooyin iyo buundooyin 300 maayl ah. Waaxda ayaa sidoo kale masuul ka ah wadooyinka lugeynta, siinyaalooyinka, leemanka baskiilka, maareynta biyaha duufaanta iyo dhinacyada kale ee nidaamkeena gaadiidka Degmada.

Waad ku soo warbixin kartaa godadka, burburka ama qataraha kale ee wadooyinka Degmada Ramsey ee ramseycounty.us/Potholes.

Gaadiidka dadweynaha, Baskiil wadida iyo Lugeynta

Intaas waxaa dheer isticmaalada madadaalada, nidaamka dhabaha Degmada waxay nasiisay xiriirada oo loogu safrayo baskiilada iyo dadka wadada lugeynayo.

Boosteejada Tareemaha ee Degmada Ramsey waa xarunta gaadiidka adeeg buuxo oo dhabaha tareenka METRO Green Line, daraasiin wadooyinka baska deegaanka, goboleedka iyo jaatarka, iyo adeegga Amtrak u dhaxeeyo Chicago iyo Seattle. Baakinka aaga, kirada gaariga, gaari wadaagida iyo baskiilka iyo xiriirada dadka lugeynayo sidoo kale waa la heli karaa. Ka booqo UnionDepot.org wixii warbixin dheeraad ah.

Degmada wuxuu la shaqeeyaa jaalalka lagu qorsheynayo oo lagu hormarinayo wadoodinka gaadiidka dadweynaha mustaqbalka. Qorsheynta waxay ku socotaa leemanka adeegga sare ee u dhaxeeyo Boosteejada Tareenka iyo dhowr meelood oo kale, oo ay ku jiraan Minneapolis - Garoonka Caalamiga ah ee St. Paul/Mall of America iyo xaafadaha bariga iyo wuqooyi bari ee Twin Cities.