Ku saabsan Degmada Ramsey

Degmada Ramsey wuxuu siiyaa adeegyo badan oo kala duwan degganayaasha, ganacsiyada iyo martida.

Ururka degmada wuxuu u qaabeysanyahay afar Kooxyada Adeegga isku xiran oo caawimaad bixiyaa, barnaamijyada iyo adeegyada aagaga ee:

  • Caafimaadka iyo fayo qabka.
  • Kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga bulshada.
  • Macluumaadka iyo diiwaanada dadweynaha.
  • Badbaadada iyo caddaalada.

Ku saabsan Degmada Ramsey

Wax ka badan 550,000 oo reer Minnesota ah ayaa ka dhigtay guryahooda Degmada Ramsey. Ku yaalo bartamaha todoba gobol ee aagga dadka badan ee Twin Cities, waa Degmada labaad ee dadka ugu badan ee Minnesota oo leh qiyaastii boqolkiiba 10% ee degganayaasha gobolka.

Iyadoo u badan magaalo, Ramsey waa degmada Minnesota ugu yar ee ugu dadka badan, oo gaaraysa 170 mayl isku-wareeg ah. Bulshooyinkeena qaran ahaan ayaa lagu yaqaan soo-jiidashada, meelaha lagu noolaan karo oo taariiqda ku qanisan, kala duwanaansho iyo fursad.

Magaalooyinka Degmada Ramsey:

  • Saint Paul
  • Arden Hills
  • Blaine
  • Falcon Heights
  • Gem Lake
  • Lauderdale
  • Little Canada
  • Maplewood
  • Mounds View
  • New Brighton
  • North Oaks
  • North St. Paul
  • Roseville
  • Shoreview
  • Saint Anthony
  • Spring Lake Park
  • Vadnais Heights
  • White Bear Lake
  • White Bear Township

Hoggaaminta

Guddoomiyayaasha Guddiga waxay aasaasaan xeerarka degmada oo ay bixiyaan dulmarka miisaaniyada iyo howlgalada degmada. Guddoomiye walba waxaa la doortaa muddo afar sanno ah oo matalaa mid ka mid ah toddobada degmooyinka juquraafiga ah.

Adeegga Sheerifka wuxu u shaqeeyaa sida madaxa sarkaalka fullinta sharciga degmada. Sheerifka waxaa la doortaa muddo afar sanno ah oo kormeeraa dhammaan qeybaha iyo shaqooyinka wakaalada oo ay ku jiraan Xarunta Xiritaanka Qofka weyn (xabsiga), roondada iyo adeegyada baaritaanka.

Qareenka degmada waa sarkaalka madaxa sharciga Degmada. Qareenka Degmada waxaa la doortaa muddo afar sanno ah oo wuxuu masuul ka yahay xukumida dambiyada lagu eedeeyay qaarkood, oo ku matalayo Degmada arimaha sharciga, oo kormeerayo taageerada carruurta.

Maareeyaha Degmada waxaa magacaabo guddoomiyayaasha guddiga si loo hubiyo ku filnaanta iyo gaarsiin wax ku ool ah ee adeegyada Degmada. Maareeyaha Degmada ayaa masuul ka ah fullinta xeerarka guddiga iyo miisaaniyada Degmada, sidoo kale sida siinta hoggaamin iyo jaheyn hoggaamada Kooxda Adeegga iyo shaqaalaha waaxda.