Caawinta iyo taageero
Adeegyada Caawinta Dhaqaalaha - cunto, kiro, xanaanada ilmaha
Adeegyada Caawinta Dhaqaalaha waxay taageeraan qoysaska iyo dadka weyn ee kaliga ah iyaga oo siinayo degganayaasha u baahan caawinta oo dhinaca barnaamijyada kala duwan.
Ka codso inta badan barnaamijyadaan onleenka mnbenefits.mn.gov. Kala xiriir Adeegyada Caawinta Dhaqaalaha 651-266-4444.
Caawinta Cuntada
Barnaamijka Caawinta Narfaqada Dheeraadka ah (SNAP) wuxuu ku caawiyaa shaqsiyaadka iyo qoysaska leh daqliyada hoose inay helaan cuntada ay ugu baahanyihiin nafaqooyinka iyo cuntooyin si wanaagsan loo dheeli tiray.
Caawinta Kaashka
Degganayaasha leh daqliga hoose wuxuu u qalmi karaa dhinaca barnaamijyada kala duwan.
Caawinta Degdegga
Barnaamijka Caawinta Degdega waxay ku caawisaa shaqsiyaadka u qalma daqliga iyo qoysaska qabo waxyeelada dabaajiyada, kirada waqtigeeda la dhaafay, amaahda guriga iyo qarashaadka guriga.
Caawinta Daryeelka Carruurta
Barnaamijka Caawinta Daryeelka Carruurta waxay ku caawisaa qoysaska leh daqliyada hoose inay iska bixiyaa daryeelka carruurta si markaas waaladiinta ay u dabagalaan shaqada ama waxbarashada.
Xasiloonida Guriga
Xasiloonida Guriyeynta waxay bixisaa illaha dadka la kulmayo guri laabayaasha, ee halista inaad guri la’aan noqotid ama baahida caawinta degdega si ay u joogaan guriyahooda.
Carruur iyo qoysas
Daryeelka Korinta iyo Korsashada
Soo wac si aad u bilowdid nidaamka aad ku siineysid guryo ku meelgaar ah oo abid ah ee u baahan.
651-266-5437
Naafonimada Adeegyada Naafonimada iyo Waayeelka
Soo wac si aad u go’aansatid u qalmida adeegyada naafonnimada iyo taageerada waayeelka ee caawiyo shaqsiyaadka joogo guryahooda oo ku kobciyo bulshooyinkooda. Adeegyada waxaa ku jiro ka dhaafida adeegyada guriga iyo bulshada ku saleysan, lacagaha daryeelka kale, deeqaha taageerada macmiilka, caawinta daryeelka shaqsiga, tababarada xirfadaha qeyb madax banaan, iyo wax badan.
651-266-3613
Shatiyeynta Daryeelka Carruurta
Soo wac inaad heshid warbixin ku saabsan shatiyeynta daryeelka carruurta guriga gudahiisa.
651-266-3781
Soo wargeli xadgudubka laga shakiyay ee carruurta ama dadka weyn ee nugul 24/7
Shatiyeynta Daryeelka Carruurta
Soo wac inaad heshid warbixin ku saabsan shatiyeynta daryeelka carruurta guriga gudahiisa.
Caafimaadka dhimirka
Xarunta Caafimaadka Maskaxda
Adeegyada imaanshaha, muddada gaaban iyo gudbinta oo kuwa la dhibaatoonayo caafimaadka maskaxdea ama isticmaalka maandooriyaha.
Xarunta Ka-sifaynta Alkolada
Ku caawiyo shaqsiyaadka inay maareeyaan aastaamaha daaweynta aalkulada ama ka laabashada alkulada ama daawooyinka.
24/7 caawinta dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda
Caawinta Shaqada
Taageerada shaqada bilaashka ah sida aqoon isweedaarsiyada, tababarada iyo guddiga shaqada onleenka (ramseycounty.us/JobConnect) waxaa laga heli karaa dhinaca Degmada Ramsey iyo jaalalka adeegeena, Minnesota CareerForce.
La taliyayaasha shaqada waxay ka shaqeeyaan inay isku xiraan shaqo raadiyayaasha iyo badrooniyada oo dhinaca shaqaaleysiinta, tababarka, wareysiga iyo caawinta codsiga.
Goobaha adeegga
- CareerForce ee Saint Paul (wadooyinka Fairview & University)
- Xarinta Dowlada Bariga Degmada Ramsey
Adeegyada Halyeeyada
Saraakiisha Adeegga Ciidamada Degmada Ramsey (VSOs) waxay bixisaa hagid iyo caawinta halyeeyada, dadka ku tiirsan iyo badbaadayaasha iyaga oo codsanayo faa’idooyinka halyeeyada ee laga helay deegaanka, gobolka iyo faderaalka.